Khilaaf soo kala dhexgalay xisbiyada Somaliland

Cali Muxiyaddiin CaliBy Cali Muxiyaddiin Cali

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa ku warramaya in haatan khilaaf hor leh uu soo kala dhexgalay xisbi siyaasadeed ee ka jira maamukaasi.

Kulan gaar ahaa oo saacadiihii la soo dhaafay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada Wadani, Ucid iyo Kulmiye ayaa fashil ku soo dhammaaday.

Xisbiyada ayaa shirkaasi uga wada hadlayay sidii loo qaban qaabin laha doorashada golaha deegaanka iyo mida baarlamaanka ee Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in sababta keentay in kulanka saddex geesoodka ah uu ka soo dhammaado natiijo la’aan ay tahay kadib markii xisbiyada mucaaradku ay dalbadeen in xubno dheeraad ah loogu daro guddiga doorashooyinka maamukaasi.

Arrintan ayaa waxa ka biyo diiday xisbiga talada haya ee Kumiye, kaas oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Khilaafka ugu weyn ee haatan soo shaac baxay ayaa salka ku haya tirada ay guddiga doorashada ku yeelanayaan xisbiyada mucaaradka.

Biixi ayaa in muddo ah loolan adag kala kulmayay dhinaca mucaaradka, iyaga oo dhaliilo u marinayay dhanka Warbaahinta.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com