Maxay tahay fariinta boqor Salmaan iyo Bin Salmaan ay usoo direen Farmaajo?

Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa farriin ku aadan munaasabadda maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo usoo diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Boqor Salmaan ayaa madaxweyne Farmaajo u rajeeyey caafimaad wanaagsan iyo farxad joogto ah, halka uu dowladda iyo dadka Soomaaliya u rajeeyey horumar wanaagsan iyo baraare.

Waxaa sidoo kale farriin taas la mid ah ah madaxweynaha usoo diray, dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo wasiirka difaaca dalkaas Maxamed Bin Salmaan.

Maxamed Bin Salmaan ayaa farriinta wuxuu madaxweyne Farmaajo, dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugu rajeeyey wanaag iyo horumar wanaagsan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo mar ku kala tagay xiisaddii Khaliijka kadib markii Soomaaliya ay diidan inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa waxaa muuqatay inay isu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com