R/W KHEYRE oo beddelay magaaladii la qorsheeyey in lagu qabto shirka dib u heshiisinta Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ee maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayaa shaaciyay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in magaaladu ay soo buuxisay shuruuddii ku xirnaya in magaaladu marti geliso gogoshaan muhiimka ah.

Hadalka Kheyre ayaa imanaya xilli qaar ka mid ah odayaasha beelaha Galmudug iyo Xaaf ay isku raaceen in shirka dib u heshiisiinta lagu qabto magaalada Hobyo, mana cadda sababta uu Kheyre isbeddelka u sameeyey iyo in lagu raacsan yahay.

Dhinaca kale, Khayre ayaa uga mahadceliyay madaxa fulinta Galmudug aqbalaadiisa ku aaddan in ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka howl galaan magaalada Dhuusamareeb si ay awood ugu yeelato marti gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa deegaannada Galmudug mudda toddobaad ah ku joogay safar shaqo oo uu ku doonayay in uu ku caawiyo reer Galmudug dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeeya danaha bulshada Galmudug iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com