Somaliland iyo DP world oo is-khilaafay- Somaliland oo 3 shardi oo cusub la timid

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Khilaaf cusub uu soo kala dhex galay maamulka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Shirkadda DP World.

Wararka ayaa sheegaya in arrinta Khilaafkaasi la xiriirta uu magaalada Dubai u tagay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici, waxaana uu doonayaa inuu dib u eegis ku sameeyo heshiiskii Xukuumadii Siilaanyo ay la gashay DP World.

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inaysan wali gacanta ku dhigin nuqulka saxda ah ee heshiiskii lala galay Shirkadda DP World, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in kulan dhex maray madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo masuuliyiinta shirkadda lagu ogaaday mugdiga soo kala dhex galay labada dhinac.

Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa ayaa la sheegayaa inay saluugsan yihiin heshiiska DP World loo saxiixay, maadaama aysan waxba kala socon qoraalo badan oo horey labada dhinac ay isku weydaarsadeen, kuwaasi oo qeexaya waxyaabaha lagu heshiiyay, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in fulin la’aanta heshiisyadii DP World ee dhismayaasha laamiyada iyo arrimo kale ay keeneen in madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa ay walaac badan ka muujiyaan heshiiskii horey DP World loogu siiyaydekadda Berbera .

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa madaxda DP World u gudbiyay sharuudo kale oo ay doonayaan in lagu daro heshiiska Shirkadda DP World kuwaasi oo aan horey loogu heshiin, waxaana wararka ay sheegayaan in qodobada uu ula tagay ay kamid aheyd:

1 – In Imaaraatka Kabo Dhaqaalaha iyo miisaaniyadda Somaliland

2 – In Bangiyo maaraatki leeyahay laga furo Somaliland

3 – In Imaaraatka Safka hore ka galo u ololeynta ictiraaf raadinta Somaliland.

Waxaa qodobadaasi ay keeneen in madaxda Shirkadda DP Word diidaan, iyada intaasi kadib Seylici loosoo daabacay nuqulka heshiiskii lala galay madaxdii ka horeysay, waxaana kadib loo bandhigay qodobo ay Somaliland ka gaabisay. Arintaasi ayaana keentay in Khilaafka cusub uusoo ifbaxo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimad@live.com