Somaliland iyo SSC oo guullo ka kala sheegtay dagaalkii maanta

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo qaraar oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaallada oo soo billowday saaka aroortii hore ayaa soo gaaray illaa duhurkii maanta waxayna ka kala dhexeen saddex jiho oo kala ah galbeedka, bariga iyo aagga Maraaga.

Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalladan, wuxuuna mid kasta shaaciyay in weerarka lagu soo qaaday fariisimahooda, sida ay ku sheegeen warar ay soo saareen.

Qoraal kooban oo kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa waxaa lagu sheegay in ciidankooda ay iska difaaceen weeraro culus oo ay kusoo qaadeen ciidanka Somaliland.

“Waxaa saaka dhawr jiho oo kala ah galbeedka, bariga iyo aagga Maraaga weerarro gardarro ah kaga soo qaaday magaalada Laascaanood malayshiyada soo duushay ee maamulka Somaliland, iyadoo ay Xoogagga Difaaca Shacabka SSC-Khaatumo iska difaaceen weerarradaas,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku daray in ciidamadooda ay jabiyeen kuwa Somaliland, isla-markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen.

“Ciidamadeenu jab weyn ayay u gaysteen malayshiyada soo duushay ee Somaliland” ayaa mar kale lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale Somaliland ayaa dhankeeda guul weyn ka sheegatay dagaalladan, waxayna shaacisay in la soo weeraray fariisimaha ciidamadeeda ee ku yaalla gobolka Sool, xilli ay ciidamadooda u dabaal-dagayeen xuska sanad guurada 18-May ee aas aaska Somaliland.

“Fadhiisimada ciidamada Qaranka ee ku sugan aagga Gooja-cade oo ah gobolka Sool oo xuska Sannad Guurada 32aad ee 18 May oo la qaadanayey shacbigooda dareenka maalintanay ay u leedahay ciroole iyo carruurba ayaa waxa subaxnimadii hore ee saaka weerar qorshaysan ku soo qaaday ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah Galbeedka magaalada ee Xargaga, Bariga Magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Somaliland iyagoo la kulmay jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer iyaga oo ku danbeeya jab & firxad” ayaa lagu yiri warkan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo iyadu qoraalka soo saartay ayaa sheegtay in dagaalkan ay qayb ka ahaayeen ciidanka Puntland-Soomaaliya iyo kooxo Argagixiso ah.