SHABAKAD lagu qabtay Muqdisho oo loo gudbiyay maxkamadda G/ Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud oo maanta qoraal soo saaray ayaa sheegay in shabakad ka ganacsaneysay maan-dooriye oo dhowaan lagu qabtay Muqdisho ay u gudbiyeen Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xeer ilaalinta ayaa shaaca ka qaaday in marka hore la qabtay nin hoggaaminayay kooxdan, kadibna lagu oo qabtay raggii kale ee la shaqeynaay, kadib howlgal ka dhacay gudaha caasimada.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale sheegay in shabakaddan ay ku howlanayd sameynta iyo ka ganacsiga maan-dooriyaha gaar ahaan Calaqa oo dhibaato ku hayo bulshadeenna.

“Xafiiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay shabakad abaabulan, kuna howlanayd sameynta ka iyo ganacsiga maan-dooriyaha gaar ahaan Calaqa,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka.

Sidoo kale waxa ay Xeer Ilaalintu intaasi kusii dartay in la guda-gali doono maxkamadeynta raggan, kadibna tallaabo adag laga qaadi doono.

“Marka ay baarista soo dhammaato waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda, si loo maxkamadeeyo,” ayuu mar kale lagu yiri warqadda.

Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ew Qaranka ayaa digniin culus u diray ganacsatada soo dajisa maan-dooriyaha iyo kuwa isticmaala, isaga oo sheegay inay la dagaalami doonaan.

Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale boggaadisay howlgallada ay wadaan ciidamada ammaanka ee lagula dagaalamayo maan-dooriyaha, isla-markaana uu horkacayo gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku booriyay in ay qayb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah maan-dooriyaha.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay qayb ka noqdaan dagaalanka lagu ciribtirayo maan-dooriyaha oo ay la soo wadaagaan warbixinada dembi, ayaga oo soo wacay 4949” ayaa lagu soo gabaganeeyay qoraalka Xafiiska Xeer Ilaalinta.

X