Beesha caalamka oo soo faro-gelisay muranka doorashada Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka oo warsaxaafadeed kasoo saartay xaaladda adag ee Puntland ayaa faro-gelisay muranka hareeyay doorashada maamulkaasi oo ay isku hayaan xukuumadda madaxweyne Saciid Deni iyo ururada kale ee siyaasadda.

Bayaankan kooban ayaa waxa si wadajir ah usoo saaray dalal ay kamid yihiin, Mareykanka, UK, Switzerland, Sweden, Danmark, Norway, Germany iyo weliba Midowga Yurub.

Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday inay si dhow ula socoto doorashada Puntland, oo haatan isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaal habeenkii Talaadada ka dhacay Garoowe.

Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in Beesha Caalamka ay aad uga walaacsan tahay rabshadaha kasoo cusboonaaday Garoowe ee ka dhashay doorashada golaha geeaanka.

“Saaxiibada caalamiga ah, waxay si dhow ula socdaan hanaanka dimuqraadiyeynta ee Puntland, waxayna aad uga walaacsan yihiin rabshadihii dhawaan ka dhacay ee la xiriira doorashada golaha deegaanka ee soo socota,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa farriin culus u dirtay dhinacyada isku haya siyaasadda Puntland, oo ay ugu baaqday in miiska wada-hadalka lagu xaliyo xiisadda ka dhalatay doorashooyinka.

“Rabshadduhu xal maaha, waxaanu ku boorinaynaa wada-hadal dhexmara daneeyayaasha (saamileyda siyaasadda Puntland) si loo xaliyo khilaafaadka.” ayuu sii raaciyay qoraalka.

Dhowaan ayay ahayd markii Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yiihiin xubnahaha mucaraadka ay hortimid doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland, kadib shirweyne xasaasi ah oo ay ku yeesheen Garoowe, kaas oo ay kasoo saareen bayaan culus.

Sidoo kale siyaasiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ah tii ugu darneyd, taas oo ka dhalatay doorashada iyo khilaaf kale oo kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.