Somaliland iyo UK oo wada-hadal xasaasi ah ka yeeshay colaadda LAASCAANOOD

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan xasaasi ah habka fogaan araga ah (Video Conference) la yeeshay Wasiiru-dawlaha horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda UK, Andrew Mitchell.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ugu horeyntii uu wasiirka UK uga xog warramay arrimaha xaaladda Laascaanood iyo halka ay xukuumaddu ka taagan tahay, sidii xal nabadeed oo waara looga gaadhi lahaa iyo in xukuumaddiisuna ay marwalba diyaar u tahay xabbad joojin bilaa shuruud ah, siday kal hore ka dhawaajisay.

“Dadka reer Somaliland ee Laascaanood-na waa ay ka heshiin doonaan marwalba wixii dhacay balse waxa muhiima oo ay tahay in beesha caalamku maamulka Puntland-Soomaaliya ku amraan inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Laascaanood iyo gudaha Xuduudka Somaliland,” ayuu madxweynaha u cadeeyey wasiirka inay caqabad iyo fidno ku tahay dedaallada xal u raadinta Laascaanood, sida lagu yiri qoraal ay Madaxtooyada Somaliland kasoo saartay kulankaan.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale waxay sheegtay in Muuse Biixi uu ku wargeliyey Wasiiru-dawlaha in ciidamada maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood uu soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed, taasi oo uu sheegay inay saamayn-doonta waddamo kale oo ka mida Afrika.

“Waxaanu intaas ku daray in ay Qaranka Somaliland ka go’an tahay inuu difaacdo Dalkiisa iyo xuduudihiisa, sida waddamada kale ee adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan xuduudahooda,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa waxa uu uga warbixiyey wasiiru-dawlaha hawlaha doorashooyinka, isaga oo u sheegay inay xukuumaddiisu hore u diyaarisay wixii kharashaad kaga aaddanaa doorashooyinka, islamarkaana ay hadda diyaarisay kharashkii lagu qaybin lahaa kaadhadhka cod-bixiyeyaasha oo sida la filayo bisha June horaanteeda ay qaybin doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

“Xukuumaddu diyaar ayay u tahay doorkeeda kaga aaddan doorashooyinka, gaar ahaan doorashooyinka loogu tartamayo xisbiyada Qaran ee tobanka sanno ee soo socda jiri doona iyo doorashada madaxtooyada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiiru-dawlaha horumarinta caalamiga ah iyo Afrika ee dowladda UK, Mr Andrew Mitchell ayaa dhankiisa waxa uu xusay in dowladda Ingiriisku ay diyaar u tahay inay Somaliland kala shaqayso doorashooyinka iyo xal u helidda arrimaha Laascaanood.

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagaga wada-hadlay iskaashiga dhinaca maalgashiga ee Somaliland iyo dowladda Ingiriiska, sidii looga wada-shaqayn lahaa, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Kulankaan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay wasiirka UK ayaa waxaa ku wehlinaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.