Daawo: Shabaab firxad ka ah weerarkii Ceel-qaboobe oo lagu qabtay Ceeldheer

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo firxad ka ahaa weerarkii Ceel-qaboobe, kaasi oo ay dowladda sheegtay in lagu dilay Shabaab badan.

Xubnahaan la qabtay ayaa waxay damacsanayaeen inay u gudbaan dhanka hawdka ah, balse waxaa ka hortagay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, iyada oo xubnahaan oo dhan laba qof ayaa waxaa lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer oo ah meesha ay ku qabteen ciidamada huwanta.

Muuqaal laga soo duubay labada nin ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii Ceel-qaboobe ee ciidamada dowladda ay ku dileen Shabaab badan, kadib markii ay ku dhufteen laba baasuke gawaari lagu soo raray walxa qarxa iyo agab kale oo xilligaasi ay kooxda kala soo degtay doon, kusoo xiratay deegaan u dhow Xarardheere.

“Laba baabuur ayaa aheyn marka doonto aadeynay oo waxaa ku soconay lixdameeyo, waxaa doonto siday jirkaamo rasaas iyo kiimikada qaraxa,” ayuu yiri mid kamid ah Shabaab-ka la qabtay, oo iyagu ka badbaaday weerarkii Ceel-qaboobe oo ay dowladdu sheegtay in lagu laayay Shabaab ka badan lixdan.

Korneyl Daahir Tuuryare oo kamid ah saraakiisha soo bandhigtay xubnahaan ayaa sheegay in howl-galka lagu soo qabtay ay ku timid wada-shaqeynta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer.

“Howl-galka ka dhacay Ceel-qaboobe waxa uu ahaa howl-gal lagu diirsaday oo waa ku baaba’een raggii rarayay iyo alaabtii la rarayay, kadib markaas ciidamada howl-gal ay qaadeen intii ka firxatay ayay cagta mariyeen oo maxaabiisna waa kasoo qabteen,” ayuu yiri.

Howl-galka Ceel-qaboobe ayaa waxa qeyb ka ahaa ciidamada kumaandooska ee Gorgor, waxayna dowladda ay sheegtay in lagu dilay ku dhawaad 67 dagaal-yahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iyada oo gacanta lagu dhigay xubno kale oo kamid ahaa kooxda.

Si kastaba, Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Hoos ka daawo muuqaalka