Xasan oo shaaciyay arrin yaab leh oo loogu tagay deeganadii laga saaray Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay shaaciyay in dhulkii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab loogu tagay Beero ay ku beerayeen Xashiish, kaasi oo kooxda ay ka sameyn jirtay dhaqaale badan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxda ay xashiishkaasi u beeraysay si ay dadka ugu duleeyaan, xilli ay dowladda ku jirto dagaal kale oo ka dhan ah waxyaabaha maanka-dooriya, kaasi oo ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

“Beero Xashiish loogu beero ayaa loogu tegay oo waxay usoo diri jireen in dadka ku duleeyaan, oo waxay usoo diri jireen ciidamada iyo suuqyada, lacag adag ayay ka heli jireen. Soddan jawaab oo xashiish waatii dhawaan la qabtay ee la gubayay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay tallaabadii u dambeysay ee guddoomiye Madaale ka sameeyay magaalada Muqdisho, wuxuuna shaaciyay in dowladda ay wado shuruuc lagu xakameynayo nooc kasta oo waxyaabaha maanka dooriya ah.

“Waxay u baahan yihiin in qaanuun laga dejiyo oo waxay dowladda xoog ku leedahay waa qaanuun, marka qaanuunkii mukhaadaraadka waa naga duugoobay, waxaa soo socda shuruuc ay xukuumadda ay keeni karto oo lagu xakameynayo arrimaha maandooriyaha.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday sidii ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa caasimada looga nadiifin lahaa waxyaabaha maandooriyaha ah, xilli ay caasimada ka yaraadeen dilalkii ay mararka qaar ciidamadu ka geysan jireen.

Si kastaba, Dagaalka Maandooriyaha ka dhanka ah ee ka socda caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, ayada oo toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, kaasi oo albaabada la iskugu dhuftay goobo halkaasi ku yaalla oo lagu isticmaalayay maandooriyaha.