SSC ‘oo farriin kama dambeys ah’ u dirtay Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ee fadhigoodu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa markale ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool iyo guud ahaan deegaanada SSC.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay farriintan u dirayaan inta aanay dhibaato badani dhicin, oo aanay dagaalo kale oo lagu hoobto aysan dhicin.

Waxa uu ka dhawaajiyay inay ka go’an tahay difaaca dhulkooda iyo inay iska celiyaan ciidamada Somaliland uu sheegay inay doolaan ku yihiin dadkooda iyo deegaanadooda.

“Guryihiin idin tilmaami mayno waad garaneysaa ee dhulkayaga nooga baxa farriinta u direyno waa taas. Kama dulqaadaneyno riyada ah Ingiriis ayaa dhulkaan idin siiyay oo mid aan deris ku ahaaneyno ma ahan, waxaan ku wada deganaan karnaa dad Soomaaliyeed oo isgarab yaalla oo nin walba dhulkiisa iyo talladiisa leeyahay,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Xabaalaha dushooda intii laysku gacan qaadi lahaa, iyada oo ragu nool yahay ha la is gacan qaado, intaan wiilasheenu isku dhiman, dhiigeenu isku bixin, guryihiina ku noqda.”

Garaadka ayaa sidoo kale waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in inta wiilashooda isku dhiman oo dhiigooda isku bixin, oo aysan dagaalka ku dhiman in ka badan kuwii hore ugu dhintay, ay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dhulkooda.

Hadalkan kasoo yeeray Garaadka Guud ee SSC oo u muuqda inuu yahay farriin kama dambeysa ah oo ay SSC u direyso Somaliland, ayaa la ogeyn sida ay ka yeeli doonto xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa oo hore dhagaha uga fureysatay baaqyo kuwan lamid ah oo xataa beesha caalamka u jeedisay, si xal looga gaaro colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaaalada Laascaanood.

Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, wuxuuna barakiciyay boqollaal kun oo qof, ayada oo sidoo kale boqollaal kale ayaa ku naf waayeen, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata ay dhinacyadu xabada ku joojinayaan.

Si kastaba, Waxaa gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu rabay in labada dhinac ay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, kadib markii ay dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood ay ku xireen shuruudo horleh oo mid walba uu ka gows adeygay aqbalkeeda.