Somaliland oo $3 Milyan ugu deeqday la dagaalanka cudurka CORONAVIRUS

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay shaaciyay in Xukuumadiisu ay 3-Milyan ugu deeqday Sanduuq gaar ah oo loo sameeyay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus ama Covid-19.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Xukuumadoodu ay uga deeqday lacagtaasi si ay qeyb uga noqdaan kharashaadka cudurka Coronavirus, hadey noqoto caawinta Bukaanka iyo wacyi-gelinta.

Madaxweyne Biixi ayaa Ganacsatada Somaliland ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhaqaalaha cudurkaasi, iyada oo la iskaga wada kaashanayo sidii bulshada looga samatabixinaya cudurkaasi halista ah.

Biixi ayaa xusay in lacagtaasi ay ku shubeen Sanduuqa Coronavirus ee Somaliland, laga soo wareejiyay Mashaariicdii horumarineed ee sanadkan Xukuumada ugu jiray Miisaaniyada 2020-ka, ee ay hakinta ku sameeysay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay Bulshada inay aad uga taxadaraan cudurkaasi, iyaga oo xoojinaya nadaafada, isla markaana ay ka fogaadan goobaha dadweynuhu iskugu yimaadaan.

Xukuumada Somaliland ayaa hore loogu dhaliili jirey inaysan soo bandhigin dhaqaale ay ugu talo-gashay cudurkaasi, sida ay hore u saameeyen wadamada caalamku, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Somaliland ayaa iyadu la daala dhaceysa ka hortaga cudurka Coronavirus, xili deegaanadeeda laga helay 6-Kiis oo kii u dambeeyay ay shalay shaacisay Wasaarada caafimaadka ee Somaliland.