XOG: Yaa ka dambeeyey weerarkii xalay lagu qaaday guriga maayarka Boorama?

Boorama (Caasimada Online) – Faah faahino dheeriya ayaa ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhexe abaaro 1:30-AM lagu qaaday hoyga uu degan-yahay Duqa magaalada Boorama ee gobolka Awdal, Mudane Saleebaan Xasan Xadi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey rag hubeysnaa, kuwaas oo rasaas huwiyey guriga uu Boorama ka deganaa Mas’uulkaasi, xilli ay ku sugnaayeen qoyskiisa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray askar ilaalo ka aheyd hoyga iyo kooxda weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsatay.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseynta labada dhinac, sidoo kale xubnaha qoyskiisa ayey waxba ka soo gaarin weerarkaasi oo bad-qaba, sida ay Caasimada Online u sheegen dad deegaanka ah.

Weerarkaasi ayaa waxyeelo u geystay guriga Mas’uulka oo rasaas daran-doori ah ay ku fureen Raggii soo weeraray, midaasi oo si cad u muujinayaan Sawirro laga soo qaaday Guriga duqa ee xalay la weeraray.

Iyada oo isla saakaba ay tageen goobtaasi Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland, islamarkaana ay sameeyeen baaritaano dheeraad ah oo ku aadan weerarka lagu soo qaaday guriga Maayirka.

Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in xiliga xalay saqdii dhexe lagu soo qaadayey weerarka guriga Duqa Boorama, uusan joogin Maayir Saleebaan, midaasi oo gebi ahaanba ka bad-baadisay shirqool lagu rabay in lagu khaarajiyo.

Dableyda weerarka soo qaaday ayaa Caasimada Online loo sheegay inay ahaayeen Beel kamida ah kuwo dhowaan ku dagaalamay bariga magaalada Boorama, kuwaasi oo Maayirka Boorama ka tirsanayey in uu eex qabiil garab ugu muujiyey beesha kale ee ay is-hayaan.

Caasimada Online oo isku deyday inay xiriir la sameyso Maayirka magaalada Boorama, Saleebaan Xasan Xaddi ayeysan u suurta-galin kadib markii aanu ku weynay khadka telefoonka.

Ilaa iyo haddana majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Laamaha amniga Somaliland, oo la xiriira Weerarkaaasi oo u muuqday shirqool fashilmay oo lagu dili rabay Maayirka Boorama.

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa inta badan weeraro ka geysta Jabhado hubeysan oo qaab beeleysan u dhisan, inkasta oo aysan weli jirin cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaasi xalay lagu qaaday guriga Duqa Boorama ayaa haddana sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu salka ku hayaa muran dhuleed maalmihii dambe ka taagnaa magaalada Boorama.