Somaliland oo amar culus dul dhigtay wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-banaan

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku joojiyey gebi ahaanba in wasaaradaha iyo hay’addaha madaxa-banaan qandaraas-bixinta.

Guddiga ayaa sheegay in cida bixineysa qandaraasyada ay tahay Guddida Qandaraasyada Qaranka, kadib marka uu marsiiyo habraacyada iyo xeernidaamiyayaash gundhiga u ah bixinta adeega qandaraas-bixinta.

“Waxa aan la socodsiinaynaa Baanka Dhexe, Xisaabaadka Guud ee dolwadda, Wasaaradda horumarinta Maaliyada, Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka in aan la bixin karin lacag Qandaraas oo aan soo marin Guddida Qandaraasyada Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddida.

Sidoo kale waxa uu guddiga faray dhamaan Wasaaradaha, Hay’addaha Madaxa-banaan ee dowladda iyo dowladaha hoose ee dalka inay adeegsadaan xeerka qandaraasyada Xeer Lr.82/2018 iyo habraacyada kala duwan ee ay guddiga qandaraasyadu soo saartay.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28/09/2022 soo saaray wareegtadan Guddida Qandaraasyada Qaranku ku dhaqan-gelinayso hab-raacyada iyo xeernidaamiyayaash gundhiga u ah bixinta adeega qandaraas-bixinta si waafaqsan xeerarka kala ah; Siyaasadda qandaraasyada ee dalka, Xeernidaamiyaha qandaraasyada qaranka, Habraacyada iyo Siyaasada qandaraasyada ee la xidhiidha iibka badeecadaha iyo adeeg bixinta, habraaca adeega dhismayaasha iyo la-talinta, adeega aan la-talinta laheyn iyo qiimeynta iyo kala saarista hordhaca ah.”

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay qoraalka in faah-faahinta xeernidaamyada, siyaasadaha iyo habraacyada lagu dhaqan-geliyay wareegtadan ay ku faafin doonaan barta rasmiga ah ee guddiga ku leeyahay mareegta internet-ka.