PUNTLAND oo shaacisay in ay gacanta ku dhigtay 150 qarax iyo raggii fulin lahaa

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Mudug ee Puntland Gaashaanle Sare Muumin Cabdi Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Muumin Cabdi Shire ayaa shaaca ka qaaday in inta ay wadeen howlgalladaan ay ku soo qabteen illaa 150 qarax, kuwaas oo uu tilmaamay inay kooxda Al-Shabaab u qorsheysay in ay ka fuliso deegaannada Puntland iyo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay inay gacanta ku dhigeen laba shabakadood oo u xil-saarnaa fulinta qaraxyadaasi, balse ma carab baabin goobta ay ku qabteen.

Sidoo kale taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka maamulkaasi ay u suuragashay soo qabashada raggii ka dambeeyey dilalka saddex qof oo dhowaan ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ujeedka laga lahaa dilalka saddexdaasi qof ayuu sidoo kale ku tilmaamay inay aheyd sidii la’isaga horkeeni lahaa beelaha wada daga halkaasi.

“Al-Shabaab waxay dileen saddex qof, labo qof oo kamid ah waxay ula jeedeen inay dadka isku dhuftaan. Nin nabaddoon ah baa la dilay, ujeeddada laga lahaa waxay ahayd in beel kale dusha loo saaro,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan gobollada dhexe ee dalka ay ka socdaan howlgalladii ugu ballaarnaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka qayb qaadanayaan ciidamo beeleed deegaanka ah oo haatan qabsaday deegaanno dhowr ah.