Maxay tahay deeqda maaliyadeed ee DF ay ka codsatay dalka Canada?

Ottawa (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqasho howleed ku jooga Ottawa ayaa dowladda Canada kala hadlay gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Ergeyga gaar ah ayaa dowladda Canada kala hadlay sidii ay u kordhin lahayd deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha Soomaaliya, oo xaaladeeda looga deyrinayo si weyn.

Kulan uu Ergeygu magaalada Ottawa kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada Harjit Sajjan ayuu si weyn ugu booriyay muhiimadda ay dadka abaaruhu saameeyeen u leedahay in dowladiisu sare u qaado deeqda, islamarkaana kaalin muuqata ka qaadato gurmadka abaaraha.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday dowladda Canada in ay Soomaaliya ka gacan siiso sidii dowladaha iyo hay’adaha ay saamaynta ku leedahay iyo deeq-bixiyayaasha caalamkaba loogu soo jeedin lahaa xadiga abaaraha ka jira dalka.

Kulanka ayaa waxaa la iskula qaatay in xooga la saaro maal-gelinta mashaariicda adkaysiga iyo ka soo kabashada, lana dhiso awoodda dowladda.

Ugu dambeyntiina wuxuu ergeygu iftiimiyay sida loogu baahan yahay mashaariic xasilineed oo deg-deg ah oo wax loogu qabto deegaanada laga xoreeyey kooxaha xag-jirka ah.

Si kastaba, socdaalka Ergeyga ayaa u daaran sidii indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa xaalada abaareed ee dalka, isaga oo ku wargeliyay QM iyo dalalka xubnaha ka ah in weli farqi weyn u dhaxeeyo deeqaha la balan-qaaday iyo baahiyaha ay qabaan dadka ay abaartu sameeysay.