Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay hurinayso colaad sokeeye, xilli ay dowladda Muqdisho dagaal adag kula gashay deegaano ay hore uga talin jirtay Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay ku hawlan tahay abuurista colaado cusub oo ka dhaca dhul nabad ah, kadib markii dowladda federaalka ay taageero buuxda siisay maamulka cusub ee Waqooyi Bari.
“Xukuumadda Soomaaliya hal fariin ayaan u dirayaa; dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabad iyo horumar, balse dowladda Soomaaliya waxay ku foogan tahay in maalin kasta ay guri nabad ah guluf, colaad iyo xasillooni darro ka abuurto,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale baaq u diray madaxda sare ee dowladda Soomaaliya: “Hoggaanka Soomaaliya waxaan leeyahay, iska daaya colaadda aad ku foogan tihiin oo dadkiinna horumar u shaqeeya.”
Somaliland oo si adag uga soo horjeeda maamulka cusub ee Waqooyi Bari, ayaa hore dowladda federaalka ugu eedeysay inay gobolka Sool ka wado falal lid ku ah amniga Somaliland, iyadoo xukuumadda Hargeysa weli u aragto Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool qeyb ka mid ah dhulkeeda aan laga goyn karin.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in markii ugu horreysay Madaxweynaha Soomaaliya uu booqan doono magaalada Laascaanood, si uu uga qeyb galo caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Waqooyi Bari.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn u aqoonsatay inay hoos tagaan maamulka Waqooyi Bari, halka hoggaanka cusubna uu qorsheynayo in magaalada Ceerigaabo lagu daro magaalooyinka maamulkaasi hoos imanaya.

