Somaliland oo dhiseysa xarun lagula tacaalo dadka qaba Fayruska Corona

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta kormeer ku tagay madaarka magaalada Hargeysa, ayaa kulan gaar ah la qaatay dhaqaatiir loo tobabaray ka hor-tagida Faysurka halista badan ee Corona Virus, oo ku sugan madaarkaasi.

Muuse Biixi ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay si deg deg ah u bixinayso kharashkii ku bixi lahaa dhismo cusub oo lagula tacaalo dadka cudurkaasi qaba ee lagu qabto gudaha madaarka Hargeysa.

Biixi ayaa Dhakhaatiirtan faray inay muujiyaan taxadar fara-badan, isla markaana ay hubiyaan caafimaadka qof walba oo ka soo degaya garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, Wuxuuna yiri:

“Maanta muhiimadda ugu weyn ee aynnu halkan u joognaa waxa weeye gurmadka caafimaadka, marka horena qolada madaarka waxa laga rabaa inay samayso koontaroollo ama teendhooyin dhisa ama hangar dhisa oo meel dadka lagu hayn karo oo la deggenaan karo oo degdeg ah waa la idinka rabaa, dhulkiina waad haysaan, dhaqaaluhuna wuu idin soo gaadhi doonaa laakiin waad bilaabaysaan”.

“Waxa la rabaa madaarkaas rakaabka kasoo degaya inantaa Neeraska ahi marka ay farta taagto wixii ay doonayso in loo fuliyo, taliyaha socdaalka, Booliska iyo ciidamada waxa laga rabaa inay gurmadkan aad u galaan oo rakaabka soo degaya kaantaroolkooda iyo qof walba in la hubiyo wixii tilmaamo ahna amarka dhakhaatiirta la fuliyo, waayo waxa la yidhi la isma taaban karo, la isma salaami karo, la isumana dhawaan karo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Khatari innama soo gaadhin, laakiin adduunku wuu isu wada furan yahay, markaa inaynnu taxaddar farobadan oo aan cunfi lahayn, laakiin maamul ah waa inaynnu galnaa, halkanina waa halkii laga soo galayaye waa inaad nidaamkaas raacdaan, halkanna waannu idinkala dhisaynaa Emergency-ga, gurmadkana diyaar baa loo yahay.”

Xukuumada Somaliland ayaa maalmihii u dambeysay Heegan ka gashay ka hortaga cudurka halista badan ee ka dilaacay dalka Shiinaha,kaasi oo si dhaqso ah ugu sii fidaya dunida.