Deni, Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku kulmay Nairobi + Sawirro

Nairobi  (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan aan caadi aheyn ku yeeshay ka mid ah madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta mucaarad ah, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni , Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Warar ay heshay Caasimadda ayaa sheegaya in madaxda Maamulada Puntland, Jubbland iyo Siyaasiyiinta  miisaan culus ku leh siyaasada Soomaaliya ay maalmahan Nairobi ku la haayeen kulan ay uga tashanayeen siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2020/2021.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo qaar ka mid ah safiirada Beesha Caalamka oo kulamo gaar gaar ah maalmo ka hor ku yeeshay Nairobi ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa isku xulafeystay sidii ay uga hortagi lahaayeen damaca ku jiro Dowladda Soomaaliya oo ah inay sameysato waqti kororsi ama inay qabato doorasho shubasho ah.

Sidoo kale labadaan madaxweyne ayaa dhawaan shir ugu soo dhamaaday Magaalada Boosaaso waxay ku diideen dhawr sharci oo uu ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya.