Dalalka Carabta ee wax ka wada qorshaha Sunniyiinta Iraq ku helayaan dal cusub

Baghdad (Caasimada Online) – Xog dheer ah ayaa kasoo baxaysa qorshe ay waddo dowladda Mareykanka oo ay maamul goboleed uga dhiseyso galbeedka dalka Iraq, kaasi oo kadib noqon doona dal madax-banaan, oo ay leeyihiin Suniyiinta Iraq.

Qorshaha Mareykanka ayaa jawaab u ah dadaallada ay kooxaha Shiicada Iraq ku doonayaan iny ciidamada Mareykanka looga eryo dalkaas.

Xog cusub ayaa sheegeysa in dalalka Khaliijka ee Mareykanka xulufada la ah, oo ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay maal-gelin doonaan mashruucan.

“Maal-gelinta qorshahan waa diyaar, cadaadiska caalamiga ah waa diyaar, awoodda militari ee loo baahan yahay si dalkan loo abuuro waa diyaar,” waxaa sidaas yiri hogaamiye Sunni ah oo xog ogaal ah u arrintan, oo la hadlay wargeyska Middle East Eye.

“Iran iyo xoogagga Shiicada midna awood uma yeelan doonaan inay hor-istaagaan mashruuca, sababtoo ah waxaa taageeraya Mareykanka iyo dalalka Khaliijka,” ayuu yiri.

“Lacag aad u badan ayaa waxaa yaboohay dalal Sunni ah, waxaana la doonayaa in saxaraha gobolka Anbar loo rogo cagaar, dibna loo dhiso magaalooyinka Mosul iyo Salah Al-din,” ayuu yiri.

Gobolka Sunniga ah ayaa wxaaa marka hore lagu aas-aasi doonaa si waafaqsan dastuurka Iraq oo ogolaanayo maamul hoosaadyo la mid ah midka Kurdistan.

Markaas kadib ayaa gobolka waxa uu noqon doonaa mid federal ah oo ku biiraya Kurdistan si KMG ah, sida uu sheegay hogaamiye sare oo Sunni ah.

Tallaabada xigta ayaa noqon doonta in gobolka si caalami ah loogu aqoonsado dal ahaan, taasi oo Mareykanka uu hoggaamin doono.

Qorshaha Washington ay gobollada Sunniyiinta uga goyneyso Iraq, ayaa markiisii hore soo billowday sanaddii 2007, waxaana soo jeediyey Joe Biden, oo hadda u sharaxan madaxweyne, balse xilligaas ahaa Senator.

Hadda, oo ay xoogeysteen dadaallada ciidamada Mareykanka looga eryayo Iraq, ayaa sameynta dal Sunni ah oo Iraq laga dhex-abuuro, uu yahay mid ka mid xeeladaha Washington ay kaga hortageyso saameynta xooggan ee Iran ay ku leedahay Iraq.