Somaliland oo dib loogala laabtay tartan calaami ah oo ay marti-gelin laheyd

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowlada aan weli la aqoonsan ee Somaliland ayaa waxa lagala laabtay Tartan caalamiya oo hore loo shaaciyey in caasimadeeda Hargeysa lagu qaban doono.

Ururka xiriirka ciyaaraha dalalka aan la aqoonsaneyn ee CONIFA ayaa si rasmiya u shaacisay in Somaliland ay kala laabteen inay marti-geliso tartanka ciyaaraha kubada ee dalalkasi.

Tartankan ayaa sanad walba waxa lagu qabta wadan kamid ah dowladaha aan weli la aqoonsan, kaasi oo lagu waday inay Somaliland marti-geliso sanadka 2020-ka balse sida ku cad war-saxaafadeed ay soo saartay CONIFA lagala laabtay marti-gelintaasi.

War-saxaafadeedka uu ururka CONIFA soo saaray ayaa wuxuu go’aankoodan ku sababeeyay Somaliland oo buuxin wayday arrimo dhinaca farsamada oo sabab u noqday in Somaliland lagala noqdo marti-gelinta tartankaas, waxaanay intaas ku dareen inay dib ka faah-faahin doonaan dalka loo wareejiyay.

Waxaana la filayaa in go’aanka CONIFA ay sabab u tahay wasaaradda ciyaaraha Somaliland oo iyadu u muuqata mid gebi ahaanba gabtay dar-dar gelintii tartankasi oo aysan diyarin kooxdii Somaliland u mateli laheyda tartankasi, isla markaana ay habacsani balaadhan ka muuqato.

Somaliland ayaa ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin hadalkan CONIFA ee ay kala noqotay marti-gelinta tartankaasi oo hadey Somaliland marti-gelin laheyd usoo jiidi lahaa magac, isla markaana ay ka dhex muuqan laheyd dalalka badi-goobka ugu jira aqoonsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com