Cabdiraxmaan Bayle oo soo bandhigay tirada xarumaha ka maqan gacanta dowlada

Muqdisho-(Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu ka hadalay arimaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Bayle ayaa mid mid u dul istaagay arimaha kala ah:
Deyn cafinta Soomaaliya, soo daabicidda lacagta shilinka Soomaaliga, hantida qaranka ee ka maqan gacanta dowladda, wadamada deynta ugu badan kuleh Soomaaliya iyo qorshaha uga dagsan soo celinta hantida maguurtada ah ee Qaranka.

Ugu horeyn Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale ayaa sheegay in arrimaha deyn cafinta dalka ay qaadaneyso Afar sano oo hadda kaddib ah, sidoo kalana ay guusheedu ku xirantahay sida ay dadka Soomaaliyeed iskaga kaashadaan.

Soomaaliya ayuu sheegay in muddo ku siman 10 sano aysan caalamka weydiisa karin wax amaah ah ama deyn ah, ilaa ay iska bixiso ama loo cafiyo deymaha lagu leeyahay, dalal daymaha ugu badan ku leh Soomaaliya ayuu sheegay inay kala yihiin Talyaaniga iyo Faransiiska.

Sidoo kale Wasiir Bayle mar uu ka hadlayey soo daabacidda shilinka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay, in si loo soo daabaco lagactaas loo baahanyahay in ka badan 42milyan oo lagu kharash gareeyo sidii shilin Soomaali loo soo daabici lahaa, waxa uu sheegay in ka dowladd ahaan ay hadda hayaan kala bar lacagtaas, ayna ku dadaalayaan sidii ay ugu guuleysa lahaayeen soo celinta lacagtii Soomaaliya

Dhanka kale Wasiir Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle ayaa sheegay inay tira koob ku sameeyeen hantidii qaranka ee hadda ka maqan gacanta dowladda, 3494 xarumo dowladeed ah oo ku yaalla guud ahaan gobolada dalka ayuu sheegay inay gacanta ugu jiraan dad gaar ah, xarumahaas ayuu sheegay inay dhawaan shaaci doonaan liiskoodana ay wasaaraddu u gudbinayso guddiga soo celinta hantida qaranka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Guddiga soo celinta dhulka danta guud ee dowladda ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre, waxaana xubnaha guddigaas ka mid ah wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Ugu dambeyntii Wasiir Bayle waxa uu digniin u diray shaqsiyaadka sida gaarka ah u heysta hantida danta guud ee ka wada dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in qaarkood ay ku howlanyihiin sidii ay sharciyo lahaanshiyo been ah ugu sameysa lahaayeen dhul ay dowladdu leedahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com