Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka mid ah xildhibaannada sida aadka ah ugu dhow madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Axmed Madoobe ku weeraray go’aankii uu ku xiray xuduudaha Kismaayo.

Maamulka Jubaland ayaa xalay ku dhowaaqay in la xiray xuduudaha magaalada Kismaayo ee dhulka, cirka iyo badda, laga billaabo xalay 6-da maqribnimo illaa 23-ka bishan, oo ah maalin kadib doorashada madaxweynaha Jubaland.

Cabdishakuur Cali Mire oo kasoo jeeda gobolka Gedo, ayaa sheegay inay la yaab tahay “in guddoomiye gobol uu xiro xuduudaha qeyb ka mid ah dalka”

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku yiri “Wax inta badan aan ka dhicin dalalka xorta ah ee gobonimada la aqonsan yahay leh, baa dalkena ka dhaca. Gudomiye gobol baa ku dhawaaqaya in hawada qeyb ka mid ah dalka iyo xududihisa bada iyo dhulku xiran yihiin. Waa miraha ka dhashay qaranjabka iyo si xun u adeegsiga federaalka.”

Loolanka Jubaland ayaa la rumeysan in ka sokow federaalka iyo Axmed Madoobe uu sidoo kale u dhaxeeyo beesha Cabdishakuur iyo kasoo jeedo iyo midda Axmed Madoobe, oo sanado badan isku hayey gacan ku haynta Kismaayo.

Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa waxa ay dhaceysa 22-ka bishan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com