BF Somalia oo mooshin ka diyaariyey ciidamada Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin culus oo ka dhan ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa diyaariyey mooshinkan oo u jeedkiisu yahay, sidii ciidamada Kenya looga saari lahaa dalka.

Sidoo kale waxa uu qorshuhu yahay in mooshinkani golaha la horgeeyo, marka uu furmo Kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaal ka tirsan golaha shacabka ayaa sheeegay in xildhibaanadu ay dhameystireen mooshin ka dhan ah ciidamada Milatariga dowladda Kenya.

Mooshinkan ayaa daba socda go’aankii baarlamaanka Kenya ay u gudbiyeen xukuumadda Nairobi oo ahaa in Biyaha ay sheeganeyso la geeyo ciidamo ka difaaca Soomaaliya.

Kenya ayaa dhowr jeer qaaday tallaabo ka dhan ah Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay farogelin ku heysaa arrimaha doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo la filayo in beri ay ka dhacdo gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas ayaa horay u shaaciyey in dowladda Kenya ay taageereyso Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana sidoo kale warqad shalay ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay in ay ka walaacsan tahay qoraalkii dhowaan ka soo baxay ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com