Xog: Taliyaha Itoobiyaanka ah ee Amisom oo loo diiday inuu Kismaayo soo galo

Kismaayo (Caasimada Online) – Qorshe taliyaha howl-gallada ciidamada Amisom ee Soomaaliya, Tigabu Yilma Wondimhunegn uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ayaa fashilmay kadib markii maamulka Jubaland uu u sheegay inusuan iman karin magaalada.

Tigabu ayaa la filayey inuu shalay Kismaayo tago, hase yeeshee wuxuu dib u dhacay maanta oo arbaco ah, balse waxaa safarkiisa saameeyey amarkaii xalay kasoo baxay maamulka Jubaland ee lagu xiray xuduudaha magaalada Kismaayo illaa 23-ka bishan, oo ah maalin kadib doorashada madaxweynaha Jubaland.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Tigabu uu goystay diyaarad ay leedahay QM, oo qorshuhu ahaa inay Muqdisho ka baxdo 7-da subaxnimo, hase yeeshee waxaa isaga iyo xafiiska QM ee Soomaaliya lagu war-geliyey in ay raacaan amarka lagu xiray xuduudaha dhulka, cirka iyo badda Kismaayo.

Taliye Tigabu ayaa Kismaayo u tagi lahaa inuu xaliyo xiisad ka dhex oogan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee ka wada tirsan Amisom, kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ay diideen in ciidamada Itoobiya ay degaan garoonka Kismaayo.

Isniintii ayaa waxaa hawad Kismaayo laga celiyey diyaarad sidday qalab iyo ciidan Itoobiyaan ah, oo loo diiday inay garoonka Kismaayo kasoo degto, xilli Jubaland ay ka hortageyso qorshe ciidamada Itoobiya ay doonayaan inay ku qabsadaan garoonka Kismaayo, oo dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com