Sawirro: Axmed MADOOBE oo ballan adag la galay xildhibaanada Jubbaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ballan adag la galay xildhibaanada cusub ee maamulkaasi, kadib kulan uu xalay kula la qaatay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka oo casho sharaf ahaa ayaa ka dhacay mid ka mid ah hoteellada ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Axmed Madoobe ayaa ka dalbaday xildhibaanada cusub inay codkooda siiyaan doorashada madaxtinimada maamulkaas ee maalinta bari ah dhaceysa.

Inta badan xildhibaanada ayaa u ballan qaaday in ay codkooda siin doonaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa kulankan diirada lagu saaray, sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyadoona Jubbaland ay ka dhega fureysatay baaqii ay u soo jeedisay beesha Caalamka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa weli taagan khilaafka u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka iyo Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com