Cosoble oo shaaciyey in DF Somalia ay hortaagan tahay maqaamka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka, ahna guddoomiyaha xisbiga Ileys ayaa markale ka hadlay arrinta la’isku hayo ee Maqaamka magaalada Muqdisho.

Cosobole ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay hortaagan yihiin in Caasimada ay hesho matalaad siyaasadeed.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay dhegaha ka fureystaan arrinta Maqaamka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in shacabka ay isu soo bixi doonaan, shirkoodana ay qabsan doonaan, ayna ku dhawaaqi doonaan wax ay raalli ka yihiin iyo maamul ay soo doortaan oo ay la xisaabtamaan.

“Dadka Gobolka Banaadir degan waa dadka kaliya ee maanta dowladda Dhexe ayaga ku haayo, canshuur ku haayo, amni ku haayo, ciidan ku haayo, hadana looma ogolo in duq magaalo iyo Guddoomiye Gobol soo doortaan, inta aan la gaarin maqaam caasimad, caasumadda maxay noqonayee, anaga waxaa rabnaa Gobolka Banaadir inuu yeesho Gole deegaan ay dadka soo doortaan, Golahaas deegaankan uu soo doorto ninka ka noqonaya Duqa magaalada iyo Guddoomiyaha Gobolka”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa ka mid ah xubnaha si aadka ah ugu ololeeyo in Maqaamkeeda ay hesho magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com