Somaliland oo diyaarisay qorshe oo lagu yareynayo dilalka saraakiisha ciidanka

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay inay diyaarisay qorshe la doonayo in lagu yareeyo dilalka inta badan ay isku geystaan ciidamada dowladda, kaasi oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay.

Gaashanle sare Ismaaciil Aw Cali Faarax (Casayr), oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ee gobollada Bariga ayaa sheegay in qorshahaas uu dhigayo in Askariga dila Askari kale in markaaba la raaciyo oo la qisaaso.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay saxeexyo ka sugayaan Madaxweynaha iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Qaranka si tallaabadaa loo qaado, islamarkaana looga hor-tago dilalka Saraakiisha iyo Ciidammada kale ee Somaliland.

“Ninka dablaha ah iyo ninka ugu sareeya nin walba waa xeer beegti Ciidanka Qaranka, markaad eegto ama xukunto ama aad dhex gasho, laakiin baryahan dambe waxaa dhacay dhacdooyin badan oo Ciidanka ka dhex dhacay, waxaad ogaataan anagu sharciga ayaanu qaabilsan nahay, waxaa dhacday wakhti wakhtiyada kamid ah ayaa nin kornayl ahi wuxuu dilay nin kornayl ahaa, shantii galabnimo ayaa la isla aasay, Geelle ayaa markaas Maxkamadda haystay, imika waxaanu wadnaa in sarkaalka sarkaalka dila, ama askariga askariga dila in aan la aasin ilaa lala aaso,” ayuu yiri.

“Arrintaas waxay imanaysa markay Xukuumadda waraaquhu gaadhaan, Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Taliyaha Ciidanka Booliska, ama dhammaan ciidamada oo dhan markay gaadho waxaa iman doonta inay saacado qaadan doonto xukunkoodu, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ‘kal baqa ayey leedahay ee kal xishooda ma leh’, haddii uu dilku batana fashil baa imanaya.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay inay ciidamada iska taxadiraan, islamarkaana tababarkooda lagu daro habkii loogu wacyi-gelin lahaa dhacdooyinka soo noq-noqday oo bilihii u dambeeyay ku badnaa deegaanada Somaliland.

“Ciidamadu markay lix bilood ama shan bilood joogan in tababar la galiyo ayey u baahan yihiin, ninka Sarkaalka ah ama Askariga ah wixii xun baa laga tuuraa, wixii wanaagsan baa la faraa, marka lagu cel-celiyo waxaa iman doonta inuu qofku fahmo.”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya toddobaad un kadib markii Askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu toogtay Taliyihii Ciidammada Milletariga ee Saldhigga Goroyo-cawl ee gobolka Awdal.