Daawo: Beesha Ayaanle Cayr oo go’aan ka soo saartay kursiga Mahad Salaad

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, beesha Ayaanle Cayr ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uga digay in kursiga HOP147 oo Mahad Salaad uu ku fadhiyo musharax gaar ah loo xiro, iyagoo ku goodiyey inay tallaabo qaadi doonaan hadii la isku dayo in la iska hor keeno beesha.

Odayaasha dhaqanka beeshaas oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa sheegay in ku dhawaad 10 musharax ay doonayaan in kursigaas ay u tartamaan, iyagoo ka digay gacan ka hadal ka dhasha damaca ah in HOP147 qof gaar ah loo xiro.

“Qoor Qoor waxaan u soo jeedineynaa in sida kuraastii hore uusan u xirin HOP147, dad is jecel oo wada dhashay ayuu kursigaas ka dhaxeeyaa, ha isaga kaana dirin dadka,” ayuu yiri mid ka mid odayaasha dhaqanka beesha Ayaanle Cayr.

Sidoo kale odayaashii hadlay waxay sheegeen in hadii musharaxiinta beesha look ala eexdo ay lamid tahay beesha Ayaanle Cayr oo loo kala eexday, taasna aysan ka ogolaa doonin hoggaamiyaha Galmudug.

“Laqdabo, nin jecleysi iyo wax ana tuhun nagu kala abuuri kara kursigeena uma rabno, waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha in kursigaas uu ka nabad galo, ninkii nasiib u yeesha ayaa qaada doona,” ayuu yiri oday kale.

HOP147 oo Mahad Salaad uu ku fadhiyo hadda waxaa raadinaya ku dhawaad 10 musharax, waxuuna kamid yahay kuraasta sida weyn isha loogu wada hayo, sidoo kale waxuu ka mid ahaa 8-kursi oo shalay doorashadooda la iclaamiyey.

13-ka ilaa 14-ka bishan Febraayo ayaa doorashada kuraastaas loo qorsheeyey inay ka dhacdo Dhuusamareeb, waxayna xogaha aan heleyno sheegayaan inay aad u yartahay rajada guusha kursigaas ay ka qabaan musharaxiin uu ku jiro Cali Yare Cali oo aad ugu dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Kursigan waa midka ugu loolanka adag ee yaalla Galmudug, Qoor Qoor iyo Mahad Salaad ayaa si weyn isugu soo dhawaaday intii uu socday dagaalkii Guriceel, markaas oo Mahad uu si buuxda u garab istaagay qorshihii Madaxweynaha Galmudug, waxaana macquul ah in Mahad taageeradiisii uu ku muteysto in kursigiisa loo xiro oo aan lagula tartamin.

Hoos ka daawo odayaasha baaqa soo saaray