CALI COSOBLE oo fasiraad cajiib ah ka bixiyey safarka Guudlaawe ee Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay safarka uu maanta madaxweyne Cali Guudlaawe ku tagay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in looga fadhiyo xalka xiisada taagan.

Cali Cosoble ayaa sidoo kale tegista Guudlaawe ee Beledweyne ku tilmaamay mid ka dhigan is-xaadiris, maadama uusan tagin tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

“Guudlaawe waxa uu hal sano ahaa habsan, maarkaa habsankii baa laga tiraya oo xaadir ayaa la leeyahay, waxaa ku talinaya in xaalada la qaboojiyo oo madaxweyne Guudlaawe lala fariisto, lagana wad-hadlo wixii dhib ah ee jira,” ayuu yiri.

“Doorasho ayaa lagu jiraa waa in doorashadii la qabtay oo wixii kalena loo balamo in la xaliyo, marwalbana waxaa lahaa doorashada waa in Beledweyne ka dhacdo oo waqtigeedii waa gabaabsi waa lama huraan in la dadajiyo.”

Sidoo kale waxa uu ku cel-celiyay in laga wada-shaqeeyo sidii magaalada Beledweyne oo ah deegaan doroashada labaad ee maamulka HirShabelle uga dhici laheyd kuraasta doorashada Golaha Shacabka.

“Cali Guudlaawe ayay waajib ku aheyd in doorashada uu dhaqaajiyo oo dadajiyo, waxaa ugu baaqaya dadka gadoodsan ninka idin imid waa walaalkiin wax walba oo qabtaan laqa, waa madaxweynihii HirShabelle ee ha lala fariisto si odaytinimo ah, mar hadii uu gurigaaga joogo soo dhoweyn wax aan aheyn oo ku quman majirto.

Hadalka Cali Cosoble ayaa imanaya kadib markii uu madaxweyne Cali Guudlaawe oo awood ciidan uga degay magaalada Beledweyne oo muddo loo diidana in uu ka dago, xilli aan weli xal laga gaarin tabashada taagneyd, hase yeeshe uu ballan-qaaday in uu xalkeeda gali doono.

Guudlaawe ayaa markii ka degay Beledweyne sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, sida uu sheegay

“Aan is hor fariisano waa daawoobeyna, waxaa rabaa in aan hortiina ka cadeeyo in cid kasta oo wax tabanaysa hadey tahay mid deegaan iyo mid qabiil ay tahay waa ka garnaqi doona, aan warano oo dadkaan dowladnimo iyo wada dhalasho ayaa ka dhaxeysa.”

Waxa uu intaas kusii daray in doorashada ka dhaceysa Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah, islamarkaana laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada.