Xog: Shirkii Midowga Afrika iyo xiisada xubinimada Israel

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Afrika ee ku bahoobay ururka Midowga Afrika oo Soomaaliya ay xubin ka tahay ayaa hakiyey dood ku saabsaneyd in maamulka Yahuuda ee Israa’iil lagala noqdo aqoonsiga.

Hoggaanka ururka Midowga Afrika ayaa ka fogaaday in cod loo qaado mar kale xubinimada Israa’iil, iyadoo laga baqay in qadiyadda Israa’iil ay khilaaf ka dhex abuurto madaxda Afrika.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat, ayaa sanadkii hore aqbalay in Israel ay ku soo biirto ururka Midowga Afrika, waxayna noqotay xubinta 55-aad ee ururka.

Tallaabadaas waxaa si weyn uga soo horjeestay Falastiiniyiinta iyo dhowr dal oo kale, kuwaas oo ay ku jiraan Algeria iyo Koonfur Afrika.

Dhanka kale hoggaamiyaasha Afrika oo shir madaxeedkii 35-aad uu ugu soo gabagaboobay magaalada Addis Ababa ayaa cambaareeyey afgambiyadii dhowaan ka dhacay qaar ka mid ah dalalka qaaradda.

Xiritaankii shir madaxeedkan ayaa u qeyb-sanaha guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka, Bankole Adeoye, wuxuu sheegay in hoggaamiye kasta oo Afrikaan ah oo ku jira golaha, uu si aan gabasho laheyn u cambaareeyey isbadal kasta oo ku yimid hab ka baxsan dastuurka iyo shuruucda dalalka qaaradda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay shir-madexeedkaas ururka Midowga Afrika ayaa golaha ka hor jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda Amnigeeda Qaran.

Ciidanka Qaranka ayuu sheegay in si buuxda ay ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii Bishii Koowaad ee sanadkan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika, kaas oo dhiirri-gelinaya dadaalka ay dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u dhiska Ciidamo tayo iyo tiroba leh oo AMISOM kala wareega ammaanka dalka.

“Argagixisada Alshabaab waxa ay cadow ku tahay xasilloonida Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno dhibaatada argagixisada,” ayuu yirikhudbadiisii ku yiri Farmaajo.