Fanaanadda Xaliimo Gobaad oo go’aan lama filaan ah ku dhowaaqday maanta

Stockholm (Caasimada Online) – Fanaanadii caanka aheyd ee Soomaaliyeed Xaliimo Maxamed Axmed (Xaliimo Gobaad) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay iskaga baxday guud ahaanba arrimaha fanka, oo ay muddo kusoo jirtay.

Xaliimo Gobaad ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxay ku sheegtay inay iska joojisay fanka, una jiheysatay dhanka kheyrka, islamarkaana ay muhiim u tahay raali ahaanshaha Ilaahay, sida ay sheegtay.

“Bismilah: Aniga oo ah Xaliima Gobaad markaan arkay adduunkaan in uu yahay maalmo, markaan xasuustay xadiiskii Nebiga Caleyhi-salaatu-wa-salam ee ahaa ‘Haddii aad galabeysataan ha sugina in uu waaga idiin baryaayo haddii subaxeysataana ha sugina in aad galab gaareysaan, waxaan go’aansaday in aan iska joojiyo fanka,” ayey ku tiri qoraalkeeda.

Waxay intaas kusii dartay “Taagerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad qeyrka igu taageertaan Allah oo raali iga noqda ayaa muhiim ii ah. Wabillaah Towfiiq.”

Xaliimo Gobaad oo kamid ahayd fanaaniinta aad loo xiiseeyo fankeeda, islamarkaana qaaday heeso badan oo Soomaali ah, ayaa ka bixitaankeeda fanka uu qeyb ka noqonaya fanaaniin dhowr ah oo muddooyinkii dambe ilaaheey dartiis uga baxayay fanka.

Qoraalka Xaliimo Gobaad ee ay ku shaacinayso inay gebi ahaanba ka baxday fankii ayaa kusoo beegmaya xili uu meherkeedu ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, ayna is-guursadeen Axmed Cabdullaahi Samow.