Somaliland oo farriin u dirtay Guinea Conakry (Akhriso)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiya Madaxweyne Bixii ayaa fariin u dirtay Madaxda iyo shacabka dalka Guinea Conakry.

Somaliland ayaa ugu hambalyeeysay dalkaasi dabaal-dega sanad guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xoriyada dib uga qaateen Faransiiska.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Mas’uuliyiinta iyo shacabka dalkaaasi, munaasibada xuska maalinta qaranimadooda oo ku beegneyd Khamiista todobaadkii hore.

Saylici ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inuu rajo badan ka qabo in hore loo sii amba-qaado xidhiidhka Somaliland iyo Guinea Conakry, isla markaan la sii balaadhin doono dhinacyda iskaashi ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Xukuumada Somaliland ayaa xidhiidh cusub oo saaxiibtinimo la yeelatay dalkaasi Guinea, kadib markii uu Madaxweyne Muuse Biixi uu socdaal ku tagay caasimada dalkaasi, isagoona loogu soo dhaweeyay si meeqaam sarre.

Safarkaasi Biixi ayaa si kala duwan looga hadlay xiligaasi, iyadoona dowlada federaalku ay xiligaasi xiriirka u goysay dowladda Guinea Conakry, oo iyadu si meeqaam sarre u soo dhoweysay Madaxweynaha dowladaasi aan weli aqoonsiga helin ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com