Somaliland oo go’aan kasoo saartay in Hawiyaha la degan ay ka qeyb-geli karaan doorashooyinka + Video

Burco (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadashay shir Maalintii Arbacada aheyd ay dad kasoo jeeda Beesha Hawiye ku yeesheen Magaalada Burco kaasoo looga hadlay doorashooyika maamulkaas.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo ka hadlayey shirkaas iyo go’aanadii ay soo saareyn Beesha Hawiye ayaa sheegay in cid aan u dhalan Somaliland aysan ka codeyn karin deegaanada maamulkaas.

“Qof aan u dhalan Somaliland ma codeynayo, way iska hadlayaan, kan soo kaxaystayna wuu iska hadlayaa,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo warbaahinta la hadlay.

Wuxuu sheegay in dadkii shirkaas qabtay ay ku daba joogaan islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Cabdinaasir ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay Dastuur islamarkaana uusan dastuurkooda qabin in qof aan kasoo jeedin Somaliland, oo uu ula jeedo qabiil ahaan, uu ka qeybgalo doorashooyinka iyo codeynta.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka ayaa jawaab u ahaa kulan ay asbuucii hore Magaalada Burco ku yeesheen Cuqaasha, Waxgaradka, madax dhaqameedka iyo Ganacsatada Beelaha Hawiye ee ku nool Magaalada Burco, kaasi oo ay ku sheegeyn inay taageerooda iyo codkooda  ku biirinayaan musharaxiinta kala ah Suldaan Jaamac Nuux oo u sharaxan Golaha Deegaanka Degmada Burco iyo Cabdulahi Yuusuf Axmed oo u dharaxan golaha Wakiilada Gobolka Togdheer.

“Mar haddii Murusade Fadhiyo, mar haddi Gaaljecel fadhido, mar haddii Jajeele fadhido, mar haddii Xawaadle fadhido, mar haddi Habargir Fadhiso, Hawiye wuxuu ballan qaadayaa inuu si mug leh u gabar taagan tahay Suldaan Jaamac Nuux oo u sharaxan Golaha Deegaanka Degmada Burco iyo Cabdulahi Yuusuf Axmed oo u dharaxan golaha Wakiilada Gobolka Togdheer,” ayuu yiri mid kamid ah odayaashii kasoo qeybgalay kulankaas.

Hoos ka daawo muuqaallada shirka Hawiye iyo kan wasiir ku-xigeenka