27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

SOMALILAND oo goboleysatay TALEEX

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliland,Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markii ugu horreeysay qoral ka soo baxay xafiiskiisa waxaa lugu sheegay in degmadda Taleex loo magacaabay gobol ka tirsan deegaannada Soomaaliland.

Degmadda Taleex waxaa ay ka mid tahay deegaannada ay ku muran-sanyihiin Puntland iyo Soomaaliland, waana degmo taarikhi ah oo ka tirsan gobolka Sool, balse Soomaaliland xilligaan waxaa ay sheegtay in Taleex ay tahay gobol ka mid ah deegaannadeda.

Gobolkan uu Siilaanyo magacaabay waxaa lugu sheegay magaciisa gobolka Xaysimo, waxaana magaalo madax looga dhigay degmadda Taleex .

“Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday In uu u magacaabo Gobolka Xaysimo oo magaalo Madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo” ayaa lugu yiri qoraalka ka soo baxay Siilaanyo.

Qoraalka xafiiska madaxweynaha Soomaaliland ka soo baxay waxaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu tixgaliyey Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanada, isla markaana ku qancay In maamulada loo dhaweeyo shacbiga oo hoos loo daadajiyo;

“Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday In uu u magacaabo gobolka Xaysimo oo magaalo madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo” ayuu yiri Siilaanyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News