Somaliland oo heshiis $7 milyan ku kacaya maanta la saxiixatay Midowga Yurub

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markale heshiis la saxiixatay ururka Midowga Yurub, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Heshiiskaan oo ku kacaya lacag dhan 7 milyan oo Doller-ka Mareykanka ah ayaa waxaa si wadajir ah qalinka ugu duugay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Sidoo kale waxaa munaasabadda saxiixa heshiiskaasi goobjoog ahaa mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in heshiiskaani muddo laga soo shaqeynayey, islamarkaana lagu horumarin doono dhanka caddaalada iyo ciidamada.

Sidoo kale wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa hoosta ka xariiqay inuu ururka Midowga Yurub uga mahadcelinayo, sida uu mar weliba u garab taagan yahay xukuumadda Somaliland, isagoo xusay in ay tani xoojineyso wadashaqeynta u dhexeysa labad dhinac.

Dhankiisa Amb. Nicolas Berlanga ayaa tilmaamay inay kordhin doonaan mashaariicda uu ururka Midowga Yurub ka fulinayo deegaanada maamulkaasi.

Shalay ayey aheyd markii labada dhinac ay Hargeysa ku kala saxiixeen mashruuc ku saabsaanaa dhanka taariikhda qadiimiga ah ee dalxiiska.