Arday REER Somaliland ah oo lagu arkay calaamado ‘shabaha’ CORONAVIRUS

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in degmada Buraan ee gobolkaasi, maalintii Sabtida lagu arkay Arday dhigata dugsiga sarre ee magaaladaasi oo xaalad deg-deg ah ay soo wajahday.

Ardaydaasi oo tiradooda lagu sheegay 4-qof oo dumar ah ayaa xili ay subaxnimadii hore galeen dugsiga ay dhiganayeen ayaa waxa la arkayey markii ay ka soo baxeen iyagoo si daran u qufacaya, midaasi oo sababtay in qaarkood Koomo galaan.

Afartan Arday oo dhamaantood dumar ah ayaa xaaladan deg-deg ah soo wajahday kadib markii ay isku arkeen qufac daran, midkaasi oo sababay koomadooda, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen maamulka iskuulku.

Waxaana markiiba Ardeydaasi loola cararay oo la dhigay Isbitaalka degmada Buraan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo xaaladooda lagu dabiibayey.

Sida ay Caasimada Online ogaatay waxa aad xaaladoodu u liidata labo kamid ah Afartaasi Arday, halka labada kale ay xaaladooda caafimaad ay maanta soo reysaneyso.

Ilaa iyo haddana si rasmi ah looma oga waxa helay Afartan gabdhood, maadama uu maamulka Isbitaalku ka gaabsaday in uu wax faah-faahin ah ka bixiyo.

Xaalada caafimaad daro ee soo wajahday Afartan gabdhood ayaa dhalisay shaki badan, xili uu si weyn u faafayo fayruska faraha ba’an ku haya dunida ee Corona, kaasi oo ku bilowda Qufac iyo Qandho daran.