ARRINTII ay isku hayeeen Jabuuti iyo Somaliland oo u muuqata in xal laga gaaray

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxaa Sabtidii Golaha wakiilada Somaliland ay dib u eegis ku sameeyeen xeerka is-gaarsiinta Somaliland, kaasi oo u muuqday mid wadada loogu furayey xarigii Internet-ka ee dowladda Jabuuti ay rabtay in ay soo mariso Berbera.

Golaha ayaa gabi ahaanba laalay kootadii ugu xidhneyd shirkada Somcable keenista xariga Internet-ka ee loo yaqaano Fiber Optic.

Xukuumada Somaliland ayaa hore heshiis ula gashay shirkada Somcable, taasi oo keentay in kooto loogu xiro in shirkadaasi keligeed ay Somaliland keento xarigaasi muddo dhan 25-sanno.

Heshiiskan uu buriyey Goluhu ayaa waxa uu wadada u sii xaaraya xarigii ay dowladda Jabuuti ugu magac dartay DARRE, kaasi oo ay xukuumada Biixi ay hore si adag uga soo hor timid.

Sida ay Caasimada Online ogaatay waxa dib u eegista lagu sameeyay xeerka Is-gaarsiinta uu saamaxaya in shirkad kasta ay gudaha Somaliland keeni karto xariga loo yaqaano Fiber Optic, kaasi oo hore ugu xirnaa hal shirkad.

Waxaana fursadaasi si weyn uga faa’iideysan doona dowlada Jabuuti oo iyadu waday xarig Internet oo imanaya Berbera, isla markaana ay saamiley ka ahaayeen muwaadiniin reer Somaliland ah.

Waxa sidoo kale iyaguna fursadaasi laga yaaba inay ka faa’iideystan Shirkadaha is-gaarsiinta Somaliland, oo iyaguna hore u arkayey in xukuumada Somaliland ay weecisay ganacsigii xorta ahaa.

Somaliland ayaa hore u sheegtay in sababta u weyn ee xariga Jabuuti isku hor-taagtay ay tahay in heshiis sanado badan ah ay la galeen shirkad, isla markaana ay shirkad kale ama dowlad kaleba ay gudaha Somaliland keeni karin xarigaasi ilaa uu waqtiga heshiiskaasi uu dhamaanayo.

Heshiiska la buriyay ee kootada Fiber Optic ayaa sidoo kale muujinaya waji cusub oo xukuumada Muuse Biixi ah, kaasi oo ku aadan qaab cusub oo heshiisyada sanadaha badan uga bixi karto.

Waxaana la filayaa in xiisad hor leh ay ka dhex qaraxdo Mulkiilaha shirkada Somcable iyo Muuse Biixi, maadama oo la aaminsan yahay in uu ahaa shaqsigii lacagta badan ku bixiyey doorashada Biixi.