Sawirro: Nicolas Berlanga oo maanta la kulmay guddiga doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga ayaa maanta kulan la qaatay Xubnaha Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

Amb. Nicolas ayaa kulankaasi uu la qaatay Komishanka, ugu wada-hadleen heshiiskii uu dhowaan ka dhex dheliyay Mucaaridka iyo Muuse Biixi ee ku aadana khilaafkii baahsanaa ee arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Nicolas ayaa dhowaan xukuumada Biixi iyo Mucaaridka ka wada saxeexay heshiis u muuqday mid soo afjaraya khilaafkii dabada dheeraaday ee ka taagna doorashooyinka muddo dhaafay.

Kulankan uu maanta la qaatay Komishanka ayaa waxa la isku af-gartay in Xubnaha komishanku ay u hogaansanaadan Heshiiskaasi dhowaan laga gaaray khilaafka doorashooyinka, isla markaana ay Komishankii hore ee doorashooyinka kala shaqeeyaan arrimaha doorashooyinka.

Nicolas ayaa kulankaasi uu la qaatay Komishanka waxa ku wehlinayey Safiirka Sweden, Mudane Staffan Tillander oo maalmihii u dambeeyay safar ku joogay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaana kulankaasi waxyaabihii looga hadlay ugu muhiimsanaa labo qodob oo u dhigna sidan:

1. Arrimaha doorashada iyo sidii Somaliland ay uga qabsoomi lahaayeen sanadka 2020 doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo dhawr jeer soo muddo dhaafay.

2. Sidii looga midho dhalin lahaa heshiiska saddex geesoodka ahaa ee ay xisbiyada qaranku ku kala saxeexdeen Madaxtooyada Somaliland 27kii February 2020.