Somaliland oo hakisay bixinta ruqsada kalluumeysi

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga ee Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa shaaciyey in wasaaradiisu ay joojisay bixinta ruqsadda ay siin jirtay maraakiibta ka kallumeysato xeebaha maamulkaasi.

Wasiir Sulub ayaa sababta ku sheegay inay haatan ku howlan yihiin soo saarista sharci wax looga qabanayo xaalufinta kheyraadka Badda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dib u eegis ku sameyn doonaan heshiisyo uu wasiirkii isaga ka horreeyey la galay afar markab oo haatan ka jilaabta xeebahooda.

Siciid Sulub Maxamed Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga ee Somaliland ayaa intaasi ku daray inay ka go’an tahay la socodka kheyraadka ku jira Badda.

Waxaa aanu go’aansaney marka aanu ogaano waxaa Badda inoogu jira ee inoo iibgalaya iyo sida aynu u ilaashaneyno kalluunkeena ka yar ama dabar go’aya wakhtiga la xidhiyo iyo wakhtiga la qaadayo waxaa aanu go’aan ka soo saarney in aanan cid danbe heshiis la gelin, shuruucdii lagu xakameynayay Maraakiibtan kheyraadka baabi’iya waxna wey diyaarsan yihiin waxna waanu wadnnaa, ilaa aanu dhammeystirno heshiiskii lala galayey, anaga oo u eegeyna gobolka sida Kenya, Eritrea, Jabuuti in aanu sicirkii ogaano oo aan aheyn mid aynu kaga sareyno suuqa”. ayuu yiri wasiir Siciid Sulub Maxamed

Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Somaliland ay u shaacisay inay ka hortagi doonto maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ka wada xeebaha maamulkaasi