Farmaajo oo safar ku tegaya magaalada Baraawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah ee dowlad goboleedka K/ Galbeed Soomaaliya.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta madaxweynaha oo uu qeyb ka yahay madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa haatan laga dareemayaa magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xubno hordhac u ah madaxweynaha oo ay saraakiil ku jiraan saacadihii la soo dhaafay ay gaareen degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu la xariiro xarig jar uu ku sameynayo garoonka diyaaraha degmadaas oo dhawaan dib udhis lagu sameeyay, lana casriyeeyay qaybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan (Run Way).

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu booqan doono xarumaha muhiimka ah ee Baraawe, isagaoona dhagax dhigi doono mashaariic horumarineed.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana guud ahaan magaalada isku geedaamay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhowaan ayey aheyd markii marwada madaxweynaha ay booqatay magaalada qadiimiga ah ee Baraawe, iyadoona ka soo dhagax dhigtay xarun caafimaad oo muhiim ah.