Somaliland oo hurineysa colaada ka taagan Sool iyo qorshaheeda

Laascaanood (Caasimada Online) – Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka gobolka Sool kana dhacay deegaanka Saax-dheer ee gobolkaasi ayaa lagu ee deeyay maamulka Somaliland inay sii hurinayaan dagaal beeleedka ka socda deegaanno ku yaalla Koonfurta gobolkaasi.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah waxgaradka gobolka Sool oo kulanka Odayaasha ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay hubka isugu dhiibtay dhinaycada dagaallamaya.

Adduunka ayuu sheegay in ay u sheegayaan inay nabadda ka shaqeynayaan, balse taasi ayuu ku sheegay war aan jirin oo iyaguba ay kaalin weyn ka qaateen dagaalladaasi.

“Dhibkani waxa uu ka billowdaa kuna dhamaadaa maamulka Somaliland, isaga ayaa fidnada lahaa, shirqoolkeedi lahaa, kuwii wax qaban lahaa wey xireen, waxay doonayaan in dadku is dilo, addunka ayeey leeyihiin annaga ayaa nabad galyada wadna, dhinaca kale Labada dhinac ayeey hub siinayaan” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Garaad Jaamac ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo cid walbo oo Soomaaliyeed inay ogaato in dagaallada ka socda gobolka Sool ay mas’uul ka tahay maamulka Somaliland, waxaana uu sheegay in dowladda Federaalka ay arrintaan kusoo war geliyeen inkastoo aanu sheegin jawaabta ay kala kulmeen.

Dagaal dhiig badan ku daatay ayaa ka dhacay Koonfurta gobolka Sool, waxaana dagaalladaasi ay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com