Somaliland oo iclaamisay dagaal hor leh – Maxaa ka cusub xiisada Laascaanood?

Hargeysa (Caasimada Online)- Saraakiisha hogaamisa ciidanka militeriga Somaliland ayaa sheegay in ay dagaal culus ku qaadayaan xoogagga kula dagaalamaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ku guuleystay inay maamulka magaaladaas ka faro-maroojiyaan Somaliland.

Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Somaliland dulqaadkii ka dhamaaday oo weerar culus ay ku qaadi doonaan xoogagga kasoo horjeeda ee SSC.

“Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar-xariiqay soo dhigi mayno websteyada, balse dagaal qorshaysan oo millateri ayaan qaadi doonaa, wax badan ayaan gacmaha laabanaynay, hadda dagaal ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Cabdidheere Afhayeenka Militeriga Somaliland.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in wixii dagaal dhacay aysan ciidanka Somaliland qaadin hal weerar oo ayaga un lasoo weerarayey, balse hadda wuxuu sheegay in aysan gacmaha laaba doonin oo weerarro culus ay qaadi doonaan.

Afhayeenka ayaa digniin u diray ciidamo beeleedyo uu sheegay inay kasoo gurmadeen dhanka Puntland, kuwaas oo sida uu sheegay Laascaanood ku sugan.

Sidoo kale Afhayeenka ciidanka Somaliland wuxuu sheegay in reer Laascaanood ay la heshii doonaan dadka deegaanka, balse ay dagaal la gali doonaan ciidamada deegaanada kale ka yimid ee ka dagaalamaya Laascaanood.

Sarkaalkaan u hadlay ciidanka Somaliland wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka dagaalameyso Laascaanood, balse ay awood ciidan uga saari doonaan maalmaha soo socda.

Hadalkaan ka soo yeeray Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland ayaa ka dhigan markii ugu horaysay oo Somaliland ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo in ay dagaal ku qaadayso ciidamada kala wareegay Laascaanood oo markii hore ay ayaga ku eedey jirtay inay weerar kasta soo qaadaan.