Somaliland oo aan ictiraaf haysan ma bixin kartaa dhul la aqoonsan yahay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Mid kamid ah waxyaabaha nuxurka tiray heshiiskii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi oo Itoobiyaana culeyska kusii badiyay waa inuu heshiiska cadeynayo in aanay Somaliland aheyn maamul la aqoonsan yahay, oo ay xitaa cidda heshiiska la galeysa oo ah Itoobiya aanay aqoonsaneyn.

Inkasta oo weli dhul Soomaaliyeed uu jiro dhanka Itoobiya oo ay tahay inay Soomaalida ka doodo, haddana baddaha Soomaaliya dhamaan waa la aqoonsan yahay marka la raaco xadkii isticmaarka.

Itoobiya dhul iyo dad Soomaaliyeed ayay weli haysata, kuwaasi oo aan illaa hadda go’aan laga gaarin laakiin baddaha Soomaaliya waxay ku jiraan gudaha Jamhuuriyaddii xorowday 1960-kii.

Sharci-yaqaannada qaar waxay leeyihiin waxaa halis ahaan laheyd haddii Itoobiya ay dhowr sano kahor aqoonsan laheyd Somaliland kadibna olole uga sameyn laheyd dhowr waddan kadibna ay xilligaan heshiis la gali laheyd.

Inkasta oo taas laftigeeda aanay Soomaaliya aqbali laheyn oo ay ahaan laheyd duulaan lagu soo qaaday midnimada, haddana ugu yaraan heshiisku weji kale ayuu yeelan lahaa ayey leeyihiin xeel-dheerayaashu.

Dhowr waddan oo la sheegay inay Itoobiya garab siyaasadeed weydiisatay tan iyo markii ay soo baxday qaddiyadan ayaa dhamaan dib u gurtay, iyaga oo sheegay in aanay aqoonin sida ay u dhigaan ama u taageeraan heshiis u dhaxeeya Itoobiya iyo gobol aan la aqoonsaneyn oo kamid ah Soomaaliya.

Addis Ababa hadda waxay raadineysa qaab kale oo ay u dhihi karto mowduucan, maadaama fal-celinta Soomaalida iyo midda beesha caalamka ay niyad jabisay.

Mowduuca aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha mucaaradka Abiy Axmed u saamaxay inay xukuumadiisa ku eedeeyaan been abuur iyo indho-sarcaadin lagu sameeynayo shacabka Itoobiyaanka ah oo ku jira xilli adag oo ay u baahan yihiin xal siyaasadeed.

Somaliland lama aqoonsana laakiin baddaha Soomaaliya waa la aqoonsan yahay, sidaas darteed maamul aan la aqoonsaneyn ma bixin karo dhul la aqoonsan yahay. 14 cisho kadib markii heshiiska la saxiixay illaa hadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ma uusan ka hadlin mowduucan.

Sababaha aamusnaantiisa waxay warbaahinta Geeska Afrika ku sheegaysa inuu la yaaban yahay sida ay arrintu uga gadmi la’dahay gudaha Itoobiyaanka, dalalka ku yaalla Geeska Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka, Midowga Afrika iyo xitaa dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku adkaatay siyaasadda arrimaha dibadda ayaa la sheegaya inay diyaarineyso qorshaheeda labaad, haddii ay Itoobiya isku deydo inay xoog ku timaado halka uu dhawaan u calaamadiyay Muuse Biixi Cabdi.