DF Soomaaliya oo u ordeysa jago sare oo Midowga Afrika ah iyo musharaxa ay wadato

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay qeyb ka tahay dowladaha u ordaya jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Xilkaan oo ah mid meerto ah, islamarkaana qofka ku guuleysta uu joogo illaa saddex sano ayaa waxaa kalkaan dowladda Soomaaliya ku mateli doona tartankaasi Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

“Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) ee Sanadaha 2025-2028,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen hore, Fawsiya Xaaji Aadan oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, aheyd gabadha kaliya ee ka qeyb-gashay doorashadii ugu dambeysay madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya uga qeyb-galeysa tartankaasi.

Soomaaliya oo xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay u xoojin laheyd dadaalka diblumaasiyadeed ee saaxiibaada caalamka, ayada oo daba-yaqaadii sanadkii tegay ee 2023-ka ku guuleysatay in Waare xil sare looga magacaabo urur-goboleedka IGAD.

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle ayaa markaas noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee ururka IGAD oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Magacaabistaas ayey xilligaas dowladda ku tilmaamtay mid sare usii qaadeysa sumcadda iyo maqaamka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Midowga Afrika ayaa waxaa la sheega in ay galaan-gal fiican ku dhex leedahay Itoobiya, oo xilligaan ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Soomaaliya, ayada oo dhawaan uu ururka ka indho qarsaday damaca Itoobiya.

Ururka marnaba sooma hadal qaadin xad-gudubka loo gaystay Soomaaliya oo ka hortimid heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo qoraal kasoo saaray xiisadda ayaa si isku mid ah ula hadlay Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay inuu is dhow ula socdo xiisadda ka dhalatay heshiiskii kowdii bishaan lagu gaaray magaalada Addis Ababa.

“Guddoomiyaha wuxuu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istix-gelin ka timaada labada dhinacba, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya” ayuu yiri guddoomiye Moussa Faki Mahamat.

Xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ayaa kusii fideysa gobolka, ayada oo dowladda Soomaaliya ay taageero caalami ah u heshay mowqifkeeda damaca Itoobiya ee helitaanka qeybo kamid ah badda Soomaaliya.