Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb u tegay dhameystirka…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa la xariira dhammeystirka howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaannada Galmudug.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doona madaxda Galmudug iyo qaybaha kala duwna ee bulshada ku dhaqan maamulkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howl-gallo dhul bllaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaa Xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa horay muddo laba bilood ah ugu sugnaa Dhuusamareeb oo uu ka hoggaaminayay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Shabaab.

Howl-galladan ayaa qaatay muddo ka badan sanad, waxaana haatan qorshuhu yahay in la bilaabo wajiga labaad oo ku wajahan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.