Somaliland oo is-hortaag ku sameysay shir muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya

Hargaysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa joojiyay kulan lagu qaban lahaa magaalada Hargeysa kaas oo qeyb ka ahaa mashruuca SSF (Somalia Stability Fund) oo ah Sanduuqa xasilinta Soomaaliya, kaas oo hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya

War ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta Soomaaliland ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba ay shirkaasi joojiyeen sababo la xiriira in iyagu aysan waxba ka quseyn arrimaha Soomaaliya, isla markaana marhore ay ka go’een Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta Maamulka Soomaaliland ayaa u qornaa sidatan

“Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta somaliland waxay idinla socodsiinaysaa inay joojisay kulankii lagu qaban lahaa Hargeysa ee ku saabsanaa maalgashiga, Mashruuca SSF (Somalia Stability Fund) maaha mid ka jira somaliland, somaliland-na kama mid aha heshiiska lagu helay dhaqaalahan ayuu lag yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliland.

Sidoo kale Waxaa intaasi lagu daray in  SSF aysan ka helin wax ogolaansho kaas oo ay ku qaban karto kulankaas, waxaana xogheynta SSF lagu wargeliyay inay deegaanadooda dib ugu celiyaan dadkii loogu talo galay inay ka qeyb galaan Shirkaas.

Warkan kasoo baxay Soomaaliland ee lagu joojiyay shir looga hadli lahaa mashruuca xaslinta Soomaaliya ee hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaanan ilaa iyo hadda aysan ka hadlin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargaysa
caasimada@live.com