Somaliland oo isku xirtay ammaanka Muqdisho iyo wada-hadal ay la gasho DF

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo baaqna usoo jeediyey Xukuumada Muuse Biixi.
Ex Wasiir Maxamed Xaashi, ayaa Xukuumada Madaxweyne Biixi ugu baaqay inay dib uga laabato Wada-hadalada ay la galayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Xaashi ayaa baaqiisa sabab uga dhigey, Amni-darada ka jirta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, isaga oo ka dhawaajiyey inay hadda mareyso meeshi ugu xumeyd.
“Nimankan na-leh Wada-hadla, halkee laga bilaabi, ma Dowlad baa hadda jirta waatan maalin walba diyaaradu garaaceyso, waxay xukumaan majirto, Muqdisho ma xukumaan iska daa meel kale, markaa yeynu la xaajona, maxay hayaan oo aan kula xaajona. Soddon kun oo ciidan ajnabi ah ayaa ilaaliya, oo hor fadhiisigooda ayaa xaaran ah”.
Waxa uu ku sii daray “Kolkaa wax aanu isku wareerino oo laga wada hadlaa majiro, Dowladeenuna wakhti waxba-yey iskaga lumin waxan waxba inogu filneyn”
Dhinaca kale, Maxamed Xaashi ayaa shuruud ku xidhay Dowladda Federaalka si ay u furmaan Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland “Kuwii na-laayey ee Magaalo walba xasuuqeeda geystay wey wada joogaan, Markaa Waxaanu leenahay qiimihii nagala laayey Magtoodi ha bixiyeen, kolkey bixiyaan halaga wado hadlo”.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa