“Xildhibaan Mahad Salaad wali ma hadlaa”

Nin ayaa laga sheegay maanta oo aan talo hayo tabar ma hayo, Shalay oo aan tabar hayeyna talo ma hayn!

Maalmahaan waxa aan ku arkaa Facebook Xildhibaan Mahad ayaa dhallinyaro la kulmay! Xildhibaan Mahad ayaa dhallinyarada Beesha la qaatay kulan wadatashi iyo iswareysi ah iyo sidoo kale xildhibaanka ayaa xog wareysi la qaatay dhallinyarada!

Waxa iga yaabiyey ayaa ah in xildhibaanku isaga oo aan hal marna ka cudur daarin dagaalkii uu qaybta ka ahaa ee deegaanka uu metelo kadhacay in uu weli soo taaganyahay, sidii uu dagaalkaas u dhacayna uusan maalina tegin gobolkii! Waxa kale oo amakaag ah in uu hadda u qalab qaadanayo bal in uu sii meteli karo.

Xildhibaan adiga oo Wasiir iyo xildhibaan isku ah wiixi ay hallaysay xukuumaddii aad kamidka ahayd welibana awood fiican ku lahayd maanta waa xallin kartaa ee geedaha ha isku aaddine tag gobolkii dadkiina haddii aadan wax kale u tari karin u soo cudur daaro!

W/Q: Wariye Axmed Saciid Guutaale  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid