YARIISOW oo si kulul uga hadlay arrinta MUUSE SUUDI kuna hanjabay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si kulul uga hadlay Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu ku jiro Muuse Suudi ee wali degan xerada Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya oo ku taala degmada Kaaraan, halkaas oo uu amray in laga guuro bishii hore, wuxuuna ku hanjabay in la maxkamadeyn doono hogaamiye kooxeedyadii hore.

Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo u waramay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay ineysan u dul qaadaneynin in xoog lagu heysto dhul dowladeed, wuxuuna mar kale ku celiyay in la isaga guuro xerada oo dadka laga saarayo uu ku jiro Taliyaha Ciidanka Bada Soomaaliya.

Waxa uu Gudoomiye Yariisoow duray Senator Muuse Suudi Yalaxoow, isagoo tilmaamay in la gaarayo waqtigii lala xisaabtami lahaa hoggaamiye Kooxeedyada sida xoogga ah ku heysta hantida iyo kuwa dadka iska dila.

Waxa uu Duqa Muqdisho sidoo kale soo hadal qaaday maleeshiyaadka sida qabaa’ilka u abaabulan ee la sheegay in maalmahan ay ku sii qul qulayeen qeybo kamid ah Kaaraan, kuwaasoo doonayay iney Senatorka difaacaan hadii la soo weeraro, wuxuuna Yariisoow tilmaamay ineysan jirin cid is-hortaag ku sameyn karta amarka Maamulka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Muuse Suudi ayaa isaga ku adnacoonaya in dowladdihii hore ay siiyeen dhulkaas, isla markaana uu heysto Document ay u saxiixeen Madaxdii hore ee dalka, maadaama horay dowladdii C/llaahi Yuusuf ugu wareejiyay hubkiisa, looguna bedelay xarunta uu dgean yahay.

Xeradii hore ee ciidanka Badda Somaliya loona yaqaano Mariino oo ku taala degmada Kaaraan sidoo kale waxaa degan Wasiiro, 15 Xildhibaan, 7 General, Ganacsato iyo waliba dad kale oo Caan ah, kuwaasoo la tuhmayo iney gadaal ka riixayaan Senator Muuse Suudi Yalaxoow.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka Yariisoow

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com